Meelaha maanta laga xusay maalinta caalamiga ee haweenka waxaa ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Dadaab .
Maxamad Baaruud Xuseen ayaa qodobkan faahfaahinaya.
Qaramada midoobay ayaa sanadkii 1975-tii si rasmi ah u ansixisay in la xuso maalinta haweenka adduunka.
Hal-ku dhigga sanadkan ee maalinta caalamiga ee dumarka ayaa ah kaalinta hal-abuurka iyo tiknolojiyadda ee xoojinta sinnaanta jinsiyadeed.
Sidoo kale waxaa diiradda la saaraya in wax laga qabto baahiyaha dhanka caafimaadka iyo horumarka ee haweenka iyo gabdhaha yaryar.