DHAGEYSO:Xassan Sh Maxamuud oo sheegay in la Iibsaday Dhalinyari Eritaria loo qaaday

0
433

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlayay dhalinyaro la sheegay in dowladda Soomaaliya tababarka Ciidan ugu qaday dalka Ereteriya, ayaa Tilmaamay in dhalintaas laga qaybgaliyay Dagaalo ka dhacay dalka Ethopia.
Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Dhalinayradaas markii hore si qiyaano ah loo qoray, hayeeshee dano kale oo siyaasadeed loo adeegsaday, isla markaana la iibsaday sida uu hadalkiisa u dhigay.
Waxaa kale oo uu sheegay inay marar badan maqlayeen in Dhalinyaradaas la geliyay dagaalkii ay Itoobiya Waqooyiga dalkaas kula gashay Kooxd TPLF, isla markaana Madaxda dowladda Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka siinin Waalidiint maalin walba walaac muujinaya, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxda dowlada inay cadeeyaan, tirada Dhalinyarada la qaaday, halka ay ku dambeeyan iyo waqtiga la soo celinaayo.


Dhanka kale mid ka mid ah waalidiinta sheegay inay dhalinyaro ka maqan yihiin ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya la hadlay wuxuuna Faahfahain ka bixiyay Maqnaashaha Wiilkiisa iyo Markii ugu danbaysay oo ay la hadleen.