Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dowladda ka dalbaday in aynan hay’adaha dambi baarista u adeegsan dano siyaasadeed.
Waxay uu hadalka Ruto ku soo beegmayaa ka dib markii la xiray ganacsade u dhashay Turkiga oo lagu magacaabo Harun Aydin kaasoo la sheegay inay saaxiibbo yihiin hoggaamiyaha labaad ee dalka.
Ganacsadaha ayaan ilaa iyo hadda wax dacwad ah lagu soo oogin in kastoo ay soo baxeen warar sheegaya in lagu tuhmayo argagixisanimo.
William Ruto ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in qof uu la leeyahay xiriir ganacsi uu argagixiso noqdo.
Waxaa dareenka Ruto mid la mid ah jeediyay xildhibaanka bariga Mumias Benjamin Washiali iyo dhigiisa Kikuyu Kimani Kichungwa oo xusay inay lagama maarmaan tahay kala saaridda siyaasadda iyo la tacaalidda falal dambiyeedyada si aan cabsi loogu abuurin maalgashatada
Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo isna arrinkan wax laga weydiiyay ayaa sheegay inuusan xog ka hayn maadaama uunan ka tirsanayn dowladda.
Shalay ayay ahayd markii Harun Aydin la qabtay xilli uu ka soo laabtay safar uu ku tagay Uganda.