DHAGEYSO:Xaaska darawalkii baska shilka galay “Odaygeyga 2-dii toddobaad ee ugu dambeeyay wuxuu ka cabanayay cilladda haysata baska”

0
466

Xaaska darawalkii baska shilka galay kaxeynayay oo loo yaqaanay Mzee Simba, Beatrice Wakothie ayaa sheegtay in odaygeeda uu labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ka cabanayay cilladda haysata baska.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 34 ruux ka dib markii uu shalay galab geeriyooday mid ka mid ah dhaawaca.
Baska oo ay leedahay shirkadda basaska ee Modern Coast ayaa ka yimid ismaamulka Meru wuxuuna ku sii jeeday magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ka hor inta uunan darawalku lumin xakameynta gaariga.

Sidoo kale waxaa dareenkooda muujiyay qaar ka mid ah xubnaha qoysaska ay eheladooda ku dhinteen shilka.

Shirkadda bixisa caymiska baabuurta ee Directline ayaa sheegtay in sanadkii hore ay diiwaangelisay 16,000 oo ah shilal ka dhacay waddooyinka dalka oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 8,000 oo qof.
Ilaa iyo bishii Lixaad ee sanadkan , waxay shirkaddu sheegtay in boqolkiiba 10 ay kordheen shilalka iyo dhaawacyada ka dhasha marka loo barbardhigo sanadkii ka sii horreeyay.
Ma aha markii ugu horreysay oo shil laga soo tabiyo ismaamulka Tharaka Nithi.
Sanadkii 1998, 56 qof oo saarnaa baska Stage Coach bus ayaa shil ku nafwaayay.
Bishii Siddeedaad ee sanadkii 2000, waxaa halkaasi ku dhintay 45 qof halka ugu yaraan 27 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii bas rakaab siday ee shirkadda Towfiiq uu webiga ku dhacay.
Guddoomiyaha ismaamulka Tharaka Nithi ,Muthomi Njuki ayaa wareysi uu bixiyay sanadkii 2018-kii ku sheegay in buundada Nithi ay tahay meesha ugu khatarta badan.