Wasaarada Caafimaadka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa sheegay inay Xaalado Caafimaad Daro oo aad u daran ay ka jiraan deegaano badan oo hoos yimaada Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka shabeelada dhexe,
Wasiir dowlada Caafimaadka Hirshabeelle ayaa sheegay in kadib fatahaadaha wabigu uu ka sameeyay Gobolka shabeelada dhexe ay dadka qarka u saaran yihiin xaalado Caafimaad Daro.
Dhanka kale gudoomiyaha Gobolka shabeelada Hoose ayaa isan wuxuu qaylo dhaan ka muujiyay jidka u dhexeeya Magaalada Marko iyo deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka shabeelada dhexe.
Gudoomiyaha shabeelada Hoose oo warbahainta kula hadlay magaalada Marko ayaa arintaan faahfaahin ka bixiyay.