Dowladda dhexe ayaa xaafadda Kunaso ee ka tirsan deegaanka hoose ee Waaberi ee magaalada Garissa oo ay horay falal amni darro uga dhaceen u aqoonsatay inay tahay tuulo rasmi ah.
Waxaa xafladda goobjoog ka ahaa xildhibaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ,senatarka ismaamulkaasi Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf , barasaabkii hore ee Garissa Nadiif Jaamac iyo guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulkaasi Mr. Boaz Cherotich.
Mas’uuliyiintan ayaa guddoomiye xaafadeedka Kunaso iyo saraakiisha amniga ugu baaqay inay waajibaadkooda shaqo si cadaalad ah uga soo baxaan.




