DHAGEYSO:William Ruto:Waxaan sugaya in aan arko xildhibaannada ka soo horjeedsan doono hindise maaliyadeedka

0
245

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Leshuta ee ismaamulka Narok sheegay inuu sugaya inuu arko xildhibaannada ka soo horjeedsan doono ansixinta hindise maaliyadeedka sanadkan ee Finance Bill 2023 marka toddobaadkan la hor geeyo baarlamaanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in siyaasiyiinta Azimio ay keliya uga soo horjeedaan hindise maaliyadeedka inay ka tirsan yihiin mucaaradka balse haddii ay dowladda ka tirsanaan lahaayeen inay taageeri lahaayeen.
Ruto ayaa ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in la kala ogaado siyaasiyiinta garab siinaya horumarka qaranka iyo kuwa kale.

15-ka bishan ayaa la qorsheynaya in baarlamaanka loo bandhigo miisaaniyad sanadeedka 2023-2024-ka.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale difaacay barnaamijka guriyeynta ee dowladda oo uu ku tilmaamay mid aan la sugi karin dhaqangelintiisa.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay waddamada Kuuriya , Singapore iyo Malaysia oo uu sheegay in 60 sano ka hor Kenya ay la mid ahayd balse hadda boqolkiiba 80 ee shacabka ku nool waddamadaasi ay deggan yihiin guriyo wanaagsan sidaasi awgeedna aan la joogin xilli qorshahan dib loo sii dhigo.

Madaxa siyaasiyiinta aqlabiyadda ku leh baarlamaanka u qaabilsan dhanka abaabulka Silvanus Osoro Onyiego ayaa isna sheegay inuu xaqiijin doono in golaha qaran ee xeer dejinta uu ansixiyo hindisaha maaliyadda ee sanadkan.

Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya ayaa dhankooda wacad ku maray inay si wayn ugu istaagi doonaan in aan la meel marin hindisaha.
Dhawaan ayay ahayd markii ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua uu sheegay inaynan jirin sabab looga soo horjeesto hindise maaliyadeedka maadaama isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uu baarlamaanka ku leeyahay tiro badan oo xildhibaano ah oo u suurtagelinaysa in qorshahan uu meel maro.