Waxaa markii ugu horreysay in muddo ah hal goob oo fagaare ah ka soo wada muuqday madaxweynaha dalka William Ruto, hoggaamiyihii isaga ka horreeyay Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka ee xilka laga qaaday Rigathi Gachagua.
Hoggaamiyayaashan ayaa maanta ka qayb galay caleema saarka hoggaamiye kaniiseed oo ka dhacday ismaamulka Embu.
Waxaa sidoo kale caleema saarkaasi ka qayb galay ku xigeenka madaxweynaha dalka Kithure Kindiki.
Madaxweyne Ruto ayaa xusay inuu la halgamaya shaqadii uu uga tagay hoggaamiyihii isaga ka horreeyay.
Waxaa uu sheegay in mashaariicdii uu madaxweynihii hore ka tagay uu sii wado, islamarkaana uu ku dadaalaya in mashaariicdaasi ay noqdaan kuwa guuleystay.
Dhanka kale hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in uu dhagaystay baaqa baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga kuwaas oo dhaliilay waxqabadka maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza.
Madaxweynaha dalka ayaa u xaqiijiyay Kenyaanka iyo baadariyaasha in maamulkiisa uu sixi doono khaladaadka dowladda.