DHAGEYSO:William Ruto: Siyaasiyiinta mucaaradka waxay xor u yihiin inay dibadbax sameeyaan

0
293

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray baaqyada mucaaradka ee ku aaddan in dadweynaha ay ka qayb qaataan dibadbaxyada ay qorsheynayaan inay guud ahaan wadanka ka billaabaan 20-ka bishan Saddexaad.
Waxaa uu sheegay in dhammaan kenyaanka ay leeyihiin xuquuq siman oo aynan jirin cid sharciga ka sarreysa.
Madaxweynaha dalka ayaa siyaasiyiinta mucaaradka u sheegay inay xor u yihiin inay dibadbax sameeyaan balse uu ugu baaqaya inay ilaaliyaan xeerarka dastuuriga ah oo ayna qadariyaan kenyaanka.

William Ruto ayaa ugu dambeyn sheegay in isbeheysiga Azimio uunan waxba ugu suurtageli karin mudaharaad ay dhigaan maadaama ay horay u sameyeen iskudayo kale.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay midoobaan isagoo carrabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay inuu arrimaha horumarka qaranka kala shaqeeya madaxda muxaafidka iyo kuwa mucaaradka labaduba.