Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa markii ugu horreysay qalbiga kala hadlay hoggaamiyaha wadanka Uhuru Kenyatta isagoo si cad ugu sheegay inuu dhulmiyay oo uu dhibaateynayo in kastoo saddex doorasho uu garab istaagay.
Hasa ahaate waxaa uu xusay inuu iska cafiyay Uhuru Kenyatta xita isagoo muujiyay inuu taageerayo Raila Odinga oo uu Ruto tartan kala dhexeyo.
William Ruto oo shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay fagaaraha Thika Stadium ee ismaamulka Kiambu ayaa sheegay in afartii sano ee ugu dambeysay la dhibaateynayay isaga iyo kuwa ka ag dhow.
Waxaa uu hoggaamiyaha labaad sheegay inuu madaxweynaha garab istaagay xilli uu saaxiib u baahnaa balse sida uu dareemayo uu hadda dhabarka u duway.
Waxaa uu ka hadlay qaar ka mid ah xulafadiisa oo laga xayuubiyay xilal ay ka hayeen baarlamaanka iyo aqalka sare.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in isbeddel lagu sameeyay xisbiga Jubilee iyo magacdhow.
Ruto oo sidoo kale soo hadal qaaday dacwaddii ay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC ku wajahayeen isaga, madaxweynaha iyo eedeysanayaal kale ayaa darenkiisa sidan u muujiyay.




