DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay in xisbiga Jubilee uu kheyraadka dadweynaha u adeegsanaya olole siyaasadeed

0
576

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku andacooday in xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee ee uu hoggaamiyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu kheyraadka dadweynaha u adeegsanaya soo xerogelinta siyaasiyiin.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in la doonayo inay siyaasiyiintan taageeraan madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga higsiga mideynta bulshada ee Azimio la Umoja Raila Odinga.
Waxaa uu sheegay in xilli shacabka ay wajahayaan macluul ay dhanka kale dowladda dhaqaale dhan hal bilyan oo shilin ay bishan, muddo toddobaad gudaheed ah u adeegsatay sidii ay xisbiga Jubilee dib ugu soo celin lahayd siyaasiyiin horraan uga tirsana.
Dr. Ruto ayaa xusay in dadka Kenyaanka ah intooda badan ay gaajo ku seexdaan, xilli dowladda balaayin shilin u isticmaaleyso sida uu hadalka u dhigay soo xerogelinta wajiya cusub oo siyaasadeed.
Waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in dhaqaale loogu talagalay beeraha balse loo weecinaya in loogu maalgeliyo ololaha xisbiga Jubilee.
Madaxweynaha ku xigeenka dalka William Ruto oo hadalkan ka jeediyay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta oo uu shalay geeyay ololihiisa siyaasadeed ee uu ku doonaya xilka madaxtinimo ayaa hoosta ka xarriiqay in qaar ka mid ah madaxda dowladda aysan la socon xaqiiqada dhabta ah ee jirta, islamarkaana ay ka indho la’yihiin caqabadaha ay wajahayaan kenyaanka.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu William Ruto yiri