Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo maanta ku sugnaa ismaamulka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka ayaa sheegay in wakhti xaadirkan aan loo baahnayn in la beddelo dastuurka wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in caqabadda dalka ka jirto aynan ahayn sharci liita iyo qabyaalad balse ay tahay dhaqaale xumo la doonayo in wax laga qabto.
William Ruto ayaa soo jeediyay in ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhigo qorshaha sharci beddelka ee BBI oo diiradda la saaro kobcinta dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta isbeheysiga NASA oo uu sheegay inay caqabad ku noqdeen waxqabadka madaxweynaha iyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee Jubilee.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhanka kale ka hadlay iskaashiga xisbiyada ODM iyo Jubilee.
Xoghayaha guud ee Jubilee Raphael Tuju iyo guddoomiye ku xigeenka David Murathe ayuu ku eedeyay inay xisbiga ka iibinayaan Raila Odinga.
William Ruto ayaa ismaamulka Nyandarua ku daahfuray barnaamijyo awoodsiin ah oo ay ka faa’iidaysanayaan in ka badan 300 oo ah ganacsatada yaryar.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay in ganacsiyada yaryar ay kaalin ka qaatan shaqo abuurka iyo hanti lahaanshaha .
Ruto ayaa mar kale xusay in qorshaha xisbiga UDA ee ah in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meelaha hoose uu yahay mid ay dani ugu jirto horumarka dalka.