DHAGEYSO:William Ruto oo Mudavadi iyo Wetangula ugu baaqay inay ku biiraan xisbiga UDA

0
335

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo maalinkii labaad socdaal ku maraya gobolka galbeedka dalka ayaa hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula u soo jeediyay inay ku biiraan xisbiga UDA.
Waxaa uu madaxdan u bandhigay inay tallaabo qaadaan ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Ruto ayaa ku doodaya in isaga, Mudavadi iyo Wetangula siyaasad ahaan la dhayalsanaya si hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga uu u noqdo madaxweynaha xiga ee Kenya .
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo madaxda ANC iyo Ford-Kenya si ay isku kaashadaan oo ay loolanka madaxtinimo kaga adkaadaan ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.