Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale ayaa maanta isku soo bax siyaasadeed ku qabtay xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu gaashaanka u daruuray kulamada ay qaar ka mid ah musharraxiinta madaxweyne hoteellada kula yeelanayaan maalqabeennada iyo waxgaradka isagoo carrabka ku adkeeyay in codbixiyeyaasha aan loo go’aamin karin cidda xigta ee qabanaysa talada dalka.
William Ruto oo doonaya in bisha siddeedaad ee sanadkan uu u tartamo hoggaanka ugu sarreeya wadanka ayaa dhanka kale dadweynaha Islii u sheegay in maamulkiisa uu dhisi doono 100,000 oo guriyo wanaagsan si meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah sidoo kalena la xallinaya caqabadda dhanka biyaha.
Madaxweyne ku xigeenka dalka oo soo hadal qaaday dhibaatooyinka mararka qaar ay ganacsatada Islii kala kulmaan saraakiisha maamulka hoose ee Nairobi ayaa waxaa uu carrabka ku adkeeyay in gudaha caasimadda dalka laga dhisi doono 20 ah suuqyo cusub si meel ay ku ganacsadaan loogu helo waratada.
Waxaa uu sheegay in hadii uu talada dalka qabto sanad kasta uu ganacsatada yaryar ee Nairobi u qoondeyn doono lacag dhan 5 bilyan oo shilin.
Dhanka kale hoggaamiyaha labaad ee Kenya ayaa ka jawaabay dhaliil uga timid madaxa xisbiga ODM Raila Odinga taasoo ku aadnayd lacagaha kala duwan ee uu bixiyo.
Waxaa uu sidoo kale maanta socdaal ku maray deegaanadda Mathare waqooyiga , galbeedka iyo bartamaha Embakasi isagoo ku celceliyay in la joogo xilligii ay Kenya ka gudbi lahayd siyaasadda dib u dhaca keenta.
Ruto ayaa xusay in sanadkan mudnaanta koowaad la siinayo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa 4 milyan oo dhallinyaro ah.