Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetangula ayaa hadda ku sugan ismaamulka Baringo.
Waxay shacabka halkaasi ku nool ka codsanayaan inay bisha siddeedaad ee sanadkan ay ku taageeraan dadaalka ay ugu jiraan hanashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in ujeeddada uu ula midoobay siyaasiyiinta kale ay tahay mideynta kenyaanka iyo wax ka beddelka hoggaanka dalka oo ay ka mid tahay in xal loo helo caqabadaha dhaqaale.
Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in siyaasiyiinta ay aad uga fiirsadaan hadalladooda si aynan isugu dirin shacabka.
Ruto ayaa xusay in musharrax kasta ay mas’uuliyad ka saaran tahay inuu aqbalo natiijada codeynta isagoo tixgelinaya rabitaanka shacabka.