DHAGEYSO:William Ruto oo ku baaqay in cid kasta ay nabadda ku dadaasho

0
631

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta ku boorriyay inay mas’uuliyad shakhsiyadeed iska saaraan ka shaqeynta nabadgalyada ka hor doorashada, inta ay codeynta socoto iyo marka la soo gabagabeeyo ka dib.
Ruto oo maanta ku sugan ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka ayaa xusay in cid kasta ay dani ugu jirto xasiloonida guud ee wadanka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ay si nabad ah ku dhici doonto ayaa dhanka kale hoosta ka xarriiqay in xisbiga UDA uu yahay midka wakhti xaadirkan ugu caansan saaxadda siyaasadeed ee Kenya.