Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha garabka siyaasadeed ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ugu baaqay inay qadariyaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC oo aynan howlihiisa shaqo ku faragelin.
Maalin ka hor ayay ahayd markii ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee Azimio Martha Karua ay sheegtay inay shaki ka qabaan in IEBC ay maareyn karto doorasho natiijadeeda lagu kalsoon yahay.
Waxaa ka sii horreeyay musharraxa madaxweyne ee Azimio Raila Odinga oo wacad ku maray in haddii IEBC aynan goobaha codbixinta ku diyaarin diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha in Kenya aynan doorasho ka dhici doonin.
Hasa ahaate musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA iyo si guud isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa xilli uu shalay ku sugnaa magaalada Lodwar ee ismaamulka Turkana sheegay in IEBC ay madax bannaan tahay oo aanan loo baahneyn in loo hanjabo ama waajibaadkeeda la carqaladeeyo.
Sidoo kale William Ruto ayaa soo hadal qaaday sare u kaca qiimaha maciishadda ee dalka isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii hoggaanka uu ku guulaysto, maamulkiisa uu beeca bacriminta oo ah 6,000 oo shilin ka dhigi doono 2,000 oo shilin.
Dhanka kale musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azmio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua oo shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Kericho ayaa ballanqaaday inay la dagaallami doonaan musuqmaasuqa.
Martha Karua ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorrisay in siyaasiyiinta aynan qaab qabyaaladeysan ku kala qaybin.