Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza ,William Ruto ayaa maanta isku soo bax siyaasadeed ku qabtay deegaan baarlamaneedka Juja ee ismaamulka Kiambu.
Waxaa uu mar kale sheegay in haddii hoggaanka wadanka uu qabto 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan maamulkiisa uu diiradda saari doono dib u soo noleyn dhaqaale.
Ruto ayaa dadweynaha Juja u ballanqaaday inuu hoos u dhigi doono sare u kaca ku yimid qiimaha maciishadda.
Sidoo kale waxaa uu dhaliil u jeediyay garabka siyaasadeed ee Azimio oo uu sheegay inay xoogga saarayaan isbeddel dastuuri ah.