DHAGEYSO:William Ruto oo dowladda ku dhaliilay inay yareysay qiimaha burka

0
562

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza , William Ruto ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay qorsho ay hoos ugu dhigtay qiimaha lagu iibiyo burka ee gudaha wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay arrin siyaasadeysan maadaama ay nagu soo fool-leedahay doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Ruto ayaa ku doodaya in maamulka talada wadanka haya ee Jubilee xilli hore looga baahnaa inuu tallaabadan qaado.

Xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu, Kimani Ichungwa ayaa dhankiisa dowladda ugu baaqay inay dhinto qiimaha shidaalka iyo badeecooyinka kale.