Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in madaxda ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan ay xoogga saarayaan keliya sidii ay isaga uga guulaysan lahayeen xilliga doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Ruto ayaa garabka mucaaradka ku dhaliilay in aynan lahayn qorsho horumarineed oo ay ugu talagaleen kenyaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aynan muhiim ahayn in lagu mashquulo cidda noqonaysa hoggaamiyaha xiga ee dalka.
William Ruto oo mar kale difaacay ololihiisa siyaasadeed ayaa xusay inay ku dadaalayaan sidii loo wanaajin lahaa nolosha kenyaanka iyadoo la xallinaya caqabadaha dadweynaha haysta.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu qaabilay wafdi ka socday deegaan baarlamaneedyada Emurua Dikirr iyo Kuria oo ka kala tirsan ismaamullada Narok iyo Migori.