Madaxweynaha dalka William Ruto oo ku sugnaa ismaamulka Isiolo ayaa sheegay in maamulkiisa uunan marnaba u dul qaadan doonin falalka musuqmaasuqa ee lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu dhaliil u jeediyay guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee NLC oo uu sheegay inuunan sida habboon u maareyn magdhowga la siiyo dadka laga raro meelaha waddooyinka laga sameeyo.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa carrabka ku adkeeyay in wixii hadda ka dambeeya NLC aynan qaabilsanaan doonin arrimaha magdhowga.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in musuqmaasuq uu saameeyay guddigan oo dadweynaha laga qaato lacago laaluush ah sidaasi awgeedna ay tallaabooyin arrinkan ka dhan ah qaadayaan isagoo cadeeyay inay qasab tahay in dhammaan kenyaanka ay helaan xuquuq siman.
26-kii bishii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda dhulalka Zachariah Njeru looga yeeray aqalka sare isagoo ka jawaabay su’aallo ay gudbisay senatarka ismaamulka Isiolo Faadumo Duullo oo walaac ka muujinaysa kala duwanaanshaha qiimaha magdhowga lacageed ee la siiyo dadka deggan meelaha ay marayaan waddooyinka la dhisaya.