Madaxa xisbiga Tujibebe Wakenya Party horayna u soo noqday guddoomiyaha ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka William Kabogo ayaa dhaliil u jeediyay xildhibaanka deegaanka Mathira ahna siyaasiga uu William Ruto u soo xushay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi qaab keli talisnimo ah u shaqeeya.
Kabogo ayaa hoosta ka xarriiqay in William Ruto uu la taliyay ka hor inta uunan qaadan go’aankii uu ku xigeenkiisa ugu soo magacaabay Rigathi Gachagua.
Barasaabkii hore ee Kiambu ayaa ku andacoonaya inuu jiro qorsho lagu xaqiijinaya in senatarka dowlad deegaankaasi Kimani Wamatangi uu xilka barasaabnimo ku guulaysto bisha Siddeedaad.
William Kabogo ayaa dhaliisha uunan weli Rigathi Gachagua ka jawaabin sidatan u dhigay