DHAGEYSO:Wiilka Mackenzie oo aabihii difaacay

0
288

Iyadoo dhawaan la billaabaya wajiga labaad ee howlgallada lagu soo saaraya meydadka dadka la rumeysan yahay inuu lugooyay baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie Nthenge ka dib markii uu kula taliyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan ilaa iyo inta ay ka geeriyoodaan ayaa waxaa baadariga difaacay wiil uu dhalay.
Dan Mackenzie oo ka mid ah wadayaasha mootooyinka ee Kilifi ayaa hoosta ka xarriiqay in aabihii uunan ku lug lahayn eedeymaha loo jeediyay ee ah inuu ugu yaraan 112 qof u horseeday inay dhintaan.
Waxaa uu Dan ku doodaya in aabihii uu Shakahola dhul ka iibsaday si uu abuur u sameeyo balse uunan faafin caqiido khaldan.
Wiilka baadariga ayaa horay kaniisadda uu aabihii hoggaamiyo sawir qaade uga soo noqday ka hor inta aan la xirin.
Dan oo dugsiga sare uga tagay fasalka koowaad ayaa sheegaya inuu si iskiis ah go’aan u qaatay oo aynan saameyn talada uu aabihii siiyo dadka ku xiran ee ah in carruurta aynan dugsiyada geyn.