DHAGEYSO:Wetangula:Uhuru iyo Raila ayaa mas’uul ka ah dhibaatooyinka dhaqaale ee wadanka ka jira

0
632

Madaxa xisbiga Ford-Kenya ahna senatarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula kana mid ah madaxda siyaasadeed ee isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa sheegay in dhibaatooyinka dhaqaale ee wadanka ka jira ay mas’uul ka yihiin madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu xusay in heshiiskii Raila iyo Uhuru ee sanadkii 2018-kii uu wadanka u horseeday sicir barar dhanka maciishadda ah.
Mr.Wetangula ayaa intaasi ku daray in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga haddii uu ku guuleysto hoggaanka ugu sarreya ee dalka uu kaliya doonaya in waxqabadkii Uhuru uu meeshiisi ka sii wado, hasa ahaate uunan dooneyn inuu wadanka horumar u horseedo.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu senetarka ismaamulka Bungoma yiri.