Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta ,Moses Wetangula ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha ku soo kordhaya ismaamulka Meru ee dhaca xoolaha .
Waxaa uu sheegay inuu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki kala hadli doono sidii loo soo afjari lahaa falalka ay burcadda ku dhacayaan xoolaha dadweynaha ee Meru.
Wetangula ayaa sheegay in Kindiki tan iyo markii uu xafiiska la wareegay uu la tacaalay dhaca xoolaha ee ismaamullo ay Baringo ka mid tahay sidaasi awgeedna uu ku dadaali doono sidii loo cirib tiri lahaa dhaqdhaqaaqyada burcadda ee Meru.
Waxaa wax ka yar toddobaad ismaamulka Meru laga soo tabiyay ilaa 3 dhacdo oo kala duwan oo xoolo lagu dhacay.
In ka badan 800 oo neef oo lo’ ah ayaa laga dhacay deegaanka Galbeedka Tigania ee ismaamulka Meru.