DHAGEYSO:Weerar lagu qaaday guri uu ku sugnaa wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo Gaalkacyo ka dhacay

0
593

Hal askari ayaa ku dhintay, saddex kalena waay ku dhawacmeen oo uu ku jiro taliye ku-xigenkii qaybta booliska gobalka Mudug ee dhanka maamulka Puntland Cabdi siciid Xuseen Jaamac kadib weerar xalay ciidanka boolisku ku qaadeen goob beer ah oo ku talaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay ku afurayeen masuuliyiin isugu jira Siyaasiin iyo nabadoono.
Ciidamada booliska ayaa weerar ku qadeen guri ay ku sugnayeen wasiirka wasaarada arrimaha dibedda dowlada Soomaaliya Cabdi saciid Muuse iyo nabaddoono deegaanka ah oo wasiirka oo maalmo ka hor halkaas tagay afur ku casuumay, waxaana ku dhawacmay weerarkaas nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa odayaal iyo siyaasiyiin halkaas afurka ugu casuumay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.
Booliska weeraray goobta ay masuuliyiintaasi ku sugnaayeen ayaa iska cabin kala kulmay ilaalada wasiirka waxana dhaawac culus uu soo gaaray nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo mudooyinkii danbe si weyn u dhaliilsanaa siyaasada uu Puntland ku hogaaminayo madaxweyne Deni.
Arintaan ayaa waxay ku soo aadaysaa ayadoo shalay maamulka Puntland uu mabnuucay in magaalada Gaalkacyo lagu qabto shirarka iyo banaanbaxyada siyaasada la xiriira.
qaar ka mid ah odayaashii ku sugnaa goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen inay dhacdadaasi ahayd mid ku tala gal ah sida hadalkooda u dhigeen.

shaqaaqadaas xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dowladda Soomaaliya & Maamulka Puntland.
Wasiirka Arrimaha-dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa ku eedeeyey Taliyaha Booliiska gobolka Mudug inuu weerar ku qaaday goob ay ku afurayeen oo magaalada Gaalkacayo ku taala.
Wasiirka oo qoraal ku daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo arrimo qoys wuxuuna weerarka ku qeexay isku ‘day dil siyaasadeed ah.
Qoraalkiisa ayuuna ku yiri “waxaana kula xisaabtami doonaa dhamaan tallaanooyinka laga maarmaanka ah”
Dhinaca kale ku simaha Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay shaqaadada ka dhacday Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaas, waxuuna Eebe Janatul Fardowsa u waydiiyay askarigii ku nafwaayey, inta ku dhaawacantayna wuxuu u rajeeyay in Eebbe u booga-dhayo oo uu ugu horeeyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka Mudug ee gobolkaasi.
Axmed Karaash ayaa sheegay inuu aad uga xumahay dhacdadaas liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka iyo kan Degmada,sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin deegaanka ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu u magacabayo Guddi ka hawlgalla baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas, isla markaana baaris ka dib, cid kastoo falkaas ku lugyeelata laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.
Marka laga soo tago Shaqaaqada ka dhacday xalay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka xaaladda Magaalada ayaa ah mid caadi ah, iyadoo Bulshada ay siweyn u hadal haayaan weerarka lagu qaaday Guri uu ku sugnaa Wasiirka wasaarada Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlada fedraalka Soomaaliya Cabdi Saciid Muse Cali.