DHAGEYSO:Waxgaradka Wajeer oo cambaareeyay kufsi iyo dil haweeney loo gaystay

0
268

Waxgaradka ismaamulka Wajeer ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kufsi iyo dil haweeney loo gaystay waxayna saraakiisha ammaanka ka codsadeen inay dambiilaha cadaaladda hor geeyaan.
Odayaasha ayaa ka soo horjeestay in dhacdadan lagu xalliyo qaab dhaqameedka loo yaqaano maslaxada.

Wakiil wareedkeenna ismaamulka Wajeer, Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa noo xaqiijiyay in ninka lagu eedeynaya kufsiga iyo dilka shalay dhacay gacanta lagu dhigay.