Midowga waxgaradka ismaamulka Samburu ayaa cambaareeyay dilka loo gaystay wakiilka deegaanka hoose ee Angata Nanyekie ee dowlad deegaankaasi, Paul Leshimpiro.
Koox burcad ah ayaa la sheegay inay toogasho ku dishay wakiilka.
Waxgaradka Samburu ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay in ay ka gaabisay ciribtirka kooxaha burcadda ee dhaca xoolaha iyo dilalka ka gaysta ismaamulkaasi.
Leshimpiro ayaa la dilay shalay barqanimo xilli uu ku wajahnaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Morijo .
Waxaa uu xilligaasi ka yimid magaalada Maralal.