DHAGEYSO:Waxgaradka Samburu iyo Turkana oo baaq u diray dowladda

0
162

Waxgaradka ismaamullada Samburu iyo Turkana ayaa dowladda dhexe ka codsaday inay siiso muddo dheeraad ah oo ay dib ugu soo celin karaan xoolo ay burcad dhacday.
Tani ayaa timid ka dib markii ay dhammaatay muddo isbuuc ahayd oo uu u qabtay wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ka hor inta aynan howlgallada billaaban.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa iyo hadda laamaha ammaanka lagu wareejiyay magacyada in ka badan 100 qof oo lala xiriirinaya dhaca xoolaha iyo burcadnimada iyo ilaa 100 neef oo la dhacay kuwaasoo dib loo soo helay.