DHAGEYSO:Wasiirrada iyo xildhibaannada Soomaaliya oo loogu baaqay u hoggaansanka xeerka xakameynta hubka

0
203

Wasiiru Dowlaha wasaaradda amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa xubnaha golaha wasiirrada iyo xildhibaannada ka codsaday inay u hoggaansamaan xeerka xakameynta hubka lagu dhex isticmaalo gudaha magaalada Muqdisho isagoo dhanka kale shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga sugaya oo ay la wadaagaan warbixinnada muhiimka ah.

Dhanka kale guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa faahfaahin ka bixiyay noocyada hubka ee aan lagu dhex isticmaali karin Muqdisho.