Wasiiradda wasaaradda duurjoogta iyo dalxiiska Penninah Malonza ayaa isugu yeertay kulan degdeg ah ka dib markii hal toddobaad gudaheeda la dilay 11 libaaxyo ah.
Kulanka ayaa ka qabsoomay Mbirikani oo ka tirsan Koonfurta ismaamulka Kajiado.
Waxaa libaaxyada dilay shacab careysan oo ay xoolahooda ka cuneen.
Malonza ayaa isku keentay saraakiisha adeega duurjoogta ee KWS iyo shacabka si looga wada hadlo xal u helidda khilaafka u dhexeya aadanaha iyo xayawaanka.
Wasiiradda ayaa amartay in baaritaano lagu sameeyo sida loo dilay libaaxyada iyadoo dadweynaha Kajiado ay dhanka kale saraakiisha KWS ku dhaliilayaan inay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda.
Bulshada ayaa dhankooda xusay in duurjoogta ay dhibaato ku haysay muddo dheer waxayna dowladda ugu baaqeen inay adeegsato tallaabooyin lagu badbaadinaya xoolaha iyo beeraha.
Waxay shacabka Kajiado ka cabanayaan in wax ka yar 6 bilood ay duurjoog ka dishay in ka badan 200 oo neef oo lo’ ah.
Saraakiisha adeegga duurjoogta dalka ee KWS ayaa dhankooda shacabka Kajiado u xaqiijiyey inay ka shaqeyn doonaan sidii xal waara loogu heli lahaa iskudhacyada.
Hasa ahaate wasiiradda wasaaradda dalxiiska ayaa dadweynaha uga digtay inay laayaan duurjoogta waxayna kula talisay in tabashooyinkooda ay la wadaagaan waaxda KWS iyadoo shan qof loo xiray dhacdooyin dhawaan dhacay oo looga takhalusay duurjoog.
Tirakoob la sameeyay sanadkii 2021-kii ayaa lagu ogaaday in gudaha wadanka ay ku nool yihiin libaax dhan 2,500.
Preventing and mitigating Human wildlife conflict is a priority for the Government.
Today I met with Mbirikani Group Ranch communities to address the recent case of human wildlife conflict (HWC) in Kajiado South which led to loss of livestock and wildlife.
1/4 pic.twitter.com/iMGyQIEVKO
— Hon. Peninah Malonza, OGW (@peninah_malonza) May 14, 2023
I urged the locals to embrace peaceful and harmonious coexistence with wildlife and work with Kenya Wildlife Service to address any cases of HWC – even as I am putting in place necessary measures and efforts to settle pending HWC claims.
4/4 pic.twitter.com/TBYNxY4qGP
— Hon. Peninah Malonza, OGW (@peninah_malonza) May 14, 2023