Wasiirkii warfaafinta ee maamulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ilyaas Cali Nuur ayaa xalay shaaciyay inuu xilka wasiirnimo iska casilay.
Waxaa uu is casilaadiisa u sababeeyay weerarkii ay maalin ka hor ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Laftagareen ku qaadeen guriga musharrax Maxamad Aadan Fargeeti.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan.
Ugu dambeyn Wasiir Ilyaas ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay inuu doorashada qabto, intii uu dhiig ku daadin lahaa.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo xilka iska casilay