DHAGEYSO:Wasiirkii hore ee cayaaraha Rashiid Echesa oo Talaadada dacwad lagu soo oogi doono

0
193

Waxaa uu qorshuhu yahay in Talaadada soo socoto dacwad lagu soo oogo wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha ee dalka Rashiid Echesa .
Galinkii dambe ee shalay ayaa gacanta lagu dhigay wuxuuna wajahaya eedeymo la xiriira lacago baad ah oo lagu bartilmaameedsaday barasaabka ismaamulka Kakamega Fernandez Barasa.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay qareenkiisa oo lagu magacaabo Danastan Omari.

Rashiid Echesa ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Muthaiga ka dib markii laga qabtay gurigiisa.
20-kii bishan ayay ahayd markii maxkamadda deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi la soo taagay nin ay booliisku sheegeen in isagoo wakiil ka ah Echesa uu barasaabka Kakamega ka dalbaday inuu bixiyo in ka badan 240 milyan oo shilin oo baad ah.