Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof.George Magoha ayaa macallimiinta uga digay inay garaacaan ardayda.
Waxaa uu sheegay in dastuurka Kenya uunan oggolayn in ardayda la garaaco sidaas awgeedna barihii sidan sameeyo laga qaadayo tallaabo sharciyeed.
Hasa ahaate waxaa uu wasiirku caddeeyay in haddii nolosha macallinka ay halis ku jirto sharci ahaan loo fasaxay inuu is difaaco.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo arday dhigta fasalka toddobaad ee dugsiga hoose dhexe ee Gremon oo ku yaalla xaafadda Bamburi ee ismaamulka Mombasa laga daweeynayo dhaawacyo ka soo gaaray garaac sida la sheegay ay u gaysteen macallimiintiisa ka dib markii uu cunay shan xabbo oo jabaati ah in kastoo hal keliya loogu tala galay.
Wasiir Magoha ayaa xilli uu ku sugnaa Mombasa amray in albaabada la isugu dhufto dugsigaasi oo uu sheegay inuunan lahayn dokumeentiyo muhiim ah.