Xildhibaanka deegaanka Kathiani ee ismaamulka Machakos ,Robert Mbui ayaa wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Davis Chirchir ka dalbaday inuu si degdeg ah isku casilo.
Waxaa uu ku eedeyay inuu ku guul dareystay wax ka qabashada qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Xildhibaanka ayaa dhaliilay hadal uu dhawaan wasiirka jeediyay oo ahaa in qiimaha shidaalka uu sii kordhi karo oo ay suurtagal tahay inuu gaaro ilaa 300 oo shilin halkii liitar.