DHAGEYSO:Wasiirka macdanta oo cambaareeyay dibadbaxyada mucaaradka

0
263

Wasiirka wasaaradda macdanta, kheyraadka iyo arrimaha badaha ee dalka Salim Mvurya ayaa cambaareeyay dibadbaxyada ka dhacay gudaha wadanka oo uu ku tilmaamay kuwo looga gol-leeyahay in lagu helo awood qaybsi dowladeed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhacdooyinkan ay sawir khaldan ka bixinayaan dalka maadaama ajaaniibta ay u fasiranayaan dagaal maxalli ah.
Mvurya ayaa carrabka ku adkeeyay in mudaaharaadyada ay maalgashato u horseedeen inay wadanka iskaga tagaan.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Taita Taveta ayuu wasiirka macdanta ku celceliyay in dibadbax la sameeyo ay tahay xaq dastuuri ah balse aanan marnaba la oggolayn burburinta hantida shacabka iyo waxyeeleynta badqabkooda.