Wasiirka Gargaarka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed ayaa booqday dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmada Xudur kuwaasoo ka Soo barakacay degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool.
Dadka Barakacayaasha ah ee Degmada Tiyeeglow ayaa mudo shan Sano ah ku noolaa waxayna deegaanadooda uga soo baracakeen dhibaatooyin ay Al-shabaab kala Kulmeen.
Masuuliyiinta Degmada Xudur iyo kuwa Gobolka Bakool ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen inay Wasiirka ka Rajaynayaan inuu baahida deegaanka ka jirta uu Gaadhsiin doono hay’adaha Samafalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed .
Wasiirka gargaarka Maamulka Koonfur Falbeed Cabdinaasir Caruush ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu tahay sidii dadkaan loogu Gurman laaha Barakacayaasha ah ayna ku dadaalayaan arintaasi.