DHAGEYSO:Wasiirka gaashaandhigga oo ka hadlay arrimaha shaqaaleysiinta ee Garissa

0
394

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka , Aadan Barre Ducaale ayaa howlwadeenadii ismaamulka Garissa ee shaqada laga joojiyay ku boorriyay inay barasaabka ismaamulkaasi Nathiif Jaamac fursad u siiyaan inuu bulshada u adeego.
Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay inuu guddoomiyaha si gaar ah ugala hadlay sida arrintan loogu heli karo xal waara iyadoo cid waliba laga qancinaya tabashooyinka ay qabto.
Hadalkan ayuu ka jeediyay xaafadda Iftiin ee Garissa oo uu ka daahfuray ololaha geedo lagu abuuraya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxda Garissa ay dhammaan barasaabka kala shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa deegaanadaasi.
Sidoo kale waxaa uu dadweynaha ku boorriyay inay geedo abuuraan si tani ay kaalin uga qaadato la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada.