DHAGEYSO:Wasiirka gaadiidka oo ka hadlay xal u helidda daadadka Garissa, Tana River iyo Lamu

0
289

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku dadaalaysa sidii xal waara loogu heli lahaa in marka ay buuxsamaan ceelasha waawayn ee Masinga iyo Kindaruma ay ku soo fatahaan ismaamullada Garissa, Tana River iyo Lamu.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay qorsheynayaan in la hirgeliyo biyo xireenno kale oo waawayn si dhibaatadan loo yareeyo.
Sidoo kale Murkomen ayaa xilli uu ku sugnaa dowlad deegaanka Lamu carrabka ku adkeeyay in ay dhisi doonaan waddooyin iyo buundooyin tayo ahaan wanaagsan oo xamili kara baaxadda biyaha daadadka.