DHAGEYSO:Wasiirka difaaca: Wax la aqbali kara ma ahan in Al-Shabaab ay joogaan meel inoo muuqato

0
441

Wasiirka Gaashaandhigga,Taliyaha Ciidamada Xoogga, Iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gaaray furimaha dagaalka ee deegaannada hoostaga degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud.
Goobaha ay booqdeen mas’uuliyiintan iyo saraakiishan ayaa kala ah deegaannada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ee deegaannadaasi, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada xoogga, kuwaas oo dhawaan halkaasi kala wareegay kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamad Nuur Jaamac ayaa sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay in Al-Shabaab ay joogaan meel ciidamada u muuqato.