Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka, Aadan Barre Ducaale ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada waxaa uu tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta ay ka baxday haweeney ganacsato ah oo lagu magacaabo Khadiija Xuseen Faarax Waaju oo habeenkii Axadda ee 25-kii bishan ee lagu dilay magaalada Garissa.
Waxaa uu Alle ha u naxariistee Khadiija ku tilmaamay haweeney dadaal badnayd oo muddo ku ganacsanaysay suuqa Garissa.
Wasiirka ayaa sheegay in ugu dambeyn laamaha ammaanka ay gacanta ku soo dhigi doonaan dadka dilka gaystay.
Innalillahi Wainaa Ileyhi Raajicuun following the death of my sister, friend, and hardworking hustler, Khadija Farah popularly known by her alias, 'Madonge', at Suuq Mugdi.
May Allah grant sister Khadija Farah Waju – Madonge – the highest ranks of Jannah. pic.twitter.com/ZHpQzxVCbu
— Hon. Aden Duale, EGH (@HonAdenDuale) December 26, 2022
Security agencies have got the lead to apprehend the perpetrators of this heinous murder. They will run but the law will catch up with them.
— Hon. Aden Duale, EGH (@HonAdenDuale) December 26, 2022
Waxaa sidoo kale arrintan ka tacsiyadeysay wakiilkii hore ee haweenka ismaamulka Garissa ,Canab Suuboow.
InaLillahi Waina Ileyhi Raajicuun
It’s with deep sorrow and grief that I have learnt that Mama Khadija Hussein Farah famously Khadija Madonge succumbed to serious injuries inflicted by a knife-wielding gang last night at her residence in Garissa town. pic.twitter.com/ywmlyDLEsQ
— Hon. Anab Subow Gure, MP (@HonAnabGure) December 26, 2022
The Garissa security team should be upto the task until the culprits are brought to book. The police should flag down any suspicious motorbike riders at night in the bulas.
— Hon. Anab Subow Gure, MP (@HonAnabGure) December 26, 2022
Xoghayaha guddiga nabadgalyada ee Garissa, Xasan Cismaan Shuuriye oo isna farriin tacsi ah diray ayaa bulshada ugu baaqay inay iska kaashato ka hor tagga falal dambiyeedyada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan hal qof oo dilka habeen ka hor dhacay lala xiriirinaya.