DHAGEYSO:Wasiirka difaaca ee dalka oo dignin u diray dadka deegaanka ee garabka siiya Al-Shabaab

0
375

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay inuu socdo howlgal sirdoon ah oo lagu ogaanayo laguna soo qabanayo dadka deegaanka ee xogaha u gudbiya kooxda Al-Shabaab ee weerarrada ka gaysata ismaamulka Lamu.
Aadan Ducaale ayaa digniin culus u diray dadka deegaanka ee garabka siiya kooxda Al-Shabaab ee mararka qaar ku dhuumaaleysato keynta Boni ee dowlad deegaanka Lamu.
Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale oo shalay socdaal ku tegay ismaamulka Lamu ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay dowladda in ay raadiso waxna ka qabato shakhsiyaadka deegaanka ee taageera ururka Al-Shabaab.