DHAGEYSO:Wasiirka difaaca dalka oo dhaliil u jeediyay madaxa mucaaradka

0
328

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya Raila Odinga ku dhaliilay hanjabaad uu dhawaan jeediyay oo ahayd inay guda galayaan qorsho gooni isu taag ah.
Waxaa uu Ducaale hadalka Raila ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo mas’uuliyad darro laga dheehan karo.

Arrintan ayuu madaxa mucaaradka ka sheegay kulan ay Jimcihii ku yeesheen deegaanka Yatta ee ismaamulka Machakos .