Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mithika Linturi oo wareysi siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay inuu jiro qorsho 6 bilood ka dib hoos loogu dhigaya qiimaha waxyaabaha laga soo saaro galleyda sida booshada ilaa 120 shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay diiradda saareyso sidii loo yareyn lahaa qarashaadka beeralayda uga baxo soo saaridda dalagga kala duwan si ay qiimo hoose uga iibiyaan macaamiisha.