DHAGEYSO:Wasiirka beeraha ee dalka oo rajo ka muujiyay inuu hoos u dhici doono qiimaha sarreeya ee maciishadda

0
233

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo horumarinta xoolaha ee dalka , Mithika Linturi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu yaraan doono qiimaha sarreeya ee maciishadda ee ay hadda cabasho ka muujinayaan kenyaanka.
Waxaa uu tani u aaneeyay roobabka da’aya oo beeralayda u suurtagelin doono inay wax soo saar sameeyaan iyo tallaabooyinka ay dowladdu qaadaysa.
Mithika Linturi oo sheegay inay qasab tahay in xal loo helo cunno yarida dalka ka jirta ayaa xusay in uu yaraaday qiimaha badeecooyinka laga soo saaro galleyda sida booshada.