DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo wacad ku maray inuu soo afjaraya burcadnimada

0
359

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa ballanqaaday inuu soo afjari doono falalka burcadnimo ee ka dhaca qaybaha wadanka.
Waxaa uu digniin adag u diray shakhsiyaadka haysta hubka sharci darrada ee dilalka iyo xatooyada xoolaha ka gaysta waqooyiga wadanka.
Xilli uu tagay xadka ismaamulka Isiolo uu la wadaago dowlad deegaannada dariska la ah ee Marsabit iyo Meru ayuu wasiirka guddoomiye xaafadeedyada iyo mas’uuliyiinta ammaanka u qabtay muddo 10 cisho ah oo ay ku shaqaaleysiinayaan 350 ah booliiska qaran ee keydka ee loo yaqaano NPR.
Kindiki ayaa wacad ku maray in ciidamada ammaanka ay falcelin aan horay loo arag uga jawaabi doonaan burcadnimada iyo falal dambiyeedyada kale.

Waxaa uu mar kale carrabka ku adkeeyay hadal uu maalmo ka hor jeediyay oo ahaa in saraakiisha ammaanka ay xaq u leeyihiin inay hubkooda isku difaacaan haddii ay khatar kala kulmaan dambiilayaasha.