Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa siyaasiyiinta ka dalbaday inaynan gudaha u galin keynta shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aaggaasi uu yahay meel ay ka socdaan howlgallo amni maadaama la baaraya sababta keentay inay dhintaan oo xabaal wadareedyo lagu aaso ugu yaraan 112 ruux.
Kindiki ayaa sidoo kale difaacay sababta laamaha ammaanka ay wariyaasha uga hor istaageen inay tagaan halka laga soo saaraya meydadka isagoo carrabka ku adkeeyay inay u hoggaansamayaan xeerarka dastuuriga ah oo xilligan oo kale ay jiraan warbixinno aan la doonayn in la tabiyo.
Digniinta Kindiki ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga laga hor istaagay inuu galo keynta Shakahola.
Wasiirka ayaa cadeeyay in siyaasiyiinta keliya loo oggol yahay inay halkaasi tagaan ay yihiin xubnaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha amniga.




