Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kithure Kindiki ayaa maanta booqday xabsiga Mwea ee ku Yaalla ismaamulka Kirinyaga, isagoo halkaasi mashaaric ka hirgeliyay.
Waxaa uu wasiirka ballanqaaday in ciriiriga ka jiro qaar ka mid ah xabsiyada dalka la yareyn doono.
Wasiirka ayaa xusay in boqolkiiba 50 la dhimi doono cariiriga ka jiro xabisyada wadanka.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kithure Kindiki ayaa sheegay inuu jiro guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inay ka shaqeeyaan siideynta qaar ka mid ah maxaabiista ku jiro xabsiyada dalka.
Waxaa uu wasiirka carrabka ku dhuftay in bilaha soo socdo maxaabiis badan xabsiyada laga siideyn doono.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in ciriiriga ka jiro xabsiyada dalka la...




