DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin musuqmaasuqa

0
241

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in aan marnaba loo dulqaadan doonin falalka musuqmaasuqa ee saameeya waaxyaha dowladda sare.
Waxaa uu digniin adag u diray saraakiisha dowladda u qaabilsan maamulka ee dadweynaha ka qaada lacago aan rasmi ahayn marka ay u fidinayaan adeegyada aasaasiga ah.
Kindiki ayaa saraakiisha dowladda laga soo billaabo isku duwayaasha amniga gobollada ilaa iyo ku xigeennada guddoomiye xaafadeedyada ku amray inay dadweynaha u soo bandhigaan dokumeentiga muujinaya adeegyada kala duwan , muddada uu qofku adeegaasi ku heli karo iyo haddii ay jirto qiimaha lacageed ee laga doonaya inuu bixiyo.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu ayuu wasiirku sheegay inay qasab tahay in warqaddan lagu daabaco luuqadaha Ingiriiska iyo Sawaaxiliga haddii ay suurtagashana lagu turjumo luuqadda hooyo ee ay fahmayaan shacabka halkaasi ku nool.