DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in aan la xiri doonin intarneetka

0
549

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa xaqiijiyay inuunan jirin qorsho ay dowladda dhexe xilliga doorashada guud ee sanadkan ku xirayso intarneetka iyo isticmaalka baraha bulshada.
Waxaa uu wasiirku xusay in Kenya ay ka jirto xurriyad sidaas awgeedna aan lagu dhaqaaqayn tallaabo aynan shacabku jeclayn.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay inuu jiro mid ka mid ah saraakiisha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC oo sheegay in la xannibi doono adeegsiga baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Hasa ahaate wasiirka arrimaha gudaha ayaa hadalka sarkaalka NCIC ku tilmaamay fikrad xita haddii loo soo jeediyo dowladdu aynan tixgelin doonin.
Waxaa uu wasiir Matiang’i carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay si wayn u sugi doonto ammaanka iyadoo kenyaanka aan lagu faragelin isticmaalka intarneetka iyo baraha bulshada.